Saturday, October 24, 2026
Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa Mudane Maxmed Xasan Idris (Geney) u doortay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga kadib doorasho Ka dhacday xafiiska Guddiga oo Ku yaala xarunta golaha Aqalka Sare. Xubnaha guddiga ayaa wadar ogol ku doortay kadib soo jeedinta Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee dib...
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Safiirka...
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la qorshaynayaa in safar uu ku tago deegaanada  maamulka Galmudug. Hadalkan waxaa sheegay Madaxwayne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Ciid oo intaas warkiisa ku daray in Galmudug lagu qaban doono shirka  wada-tashiga Qaran. Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa sheegay in bil kadib uu shirkaas...
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ay ku sii siqayaan Degmada Galcad ee gobolkaasi. Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo horkacaya hawlgalkan ayaa ku sii dhawaanaya degmadaasi. Ciidamada ayaa Talaadadii la wareegay gacan ku haynta deegaano hoostagga degmadaasi, ka dib markii ay...
Dagaal xoogan ayaa Maanta markale waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.   Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka waday duleedka Bari ee Magaalada Laas-Caanood...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis is afgarad oo lagu hormarinayo magaalada Muqdisho Heshiiskan ayaa la xariira dib u qaabeynta ilaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Horumarrinta Magaalada...
Gudoomiyaha  Golaha Wakiilada Somaaliland ayaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee ka tagay Magaalada Muqdisho . Qoraal kooban oo  uu bartiisa face buugga soo dhigay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Cabdirisaaq Khaliif ayuu uga hadlay kulanka  ay wada yeesheen isaga iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan...
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa ka bilaabay degaano katirsan Gobolka Galgaduud wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano kala wareegay Al-Shabaab.   Ciidamada ayaa degaannada ay la wareegeen waxaa kamid ah Baraag sheekh Caamir , Tixle, Cali heelle, iyo Ceel Cali Axmed oo dhammaantood ...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo u warramay VOA ayaa u jawaabay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo dhaliilay wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Shabaab Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, oo sida la wada ogyahay wajigiisi...
Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo La-taliyaha Istaraatiijiyada iyo Iskaashiga Mudane Maxamed Cumar Macalin ayaa ka qeyb-galay shir ay isugu imaadeen Hay’adda ka shaqeeyo arrimaha binaadaninada oo loogu hadlaayay xaalada Baardheere. Shirkan ayaa shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha, federaalka iyo dibu hishiisiinta Mudane Axmed Macalin...