Waxaa mar kale dib u soo laba kacleyay kiiskii Ikraan tahliil faarax oo aheyd sargaalad ka tirsan hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya lana waayay mudda hada hada laga joogo labo sano waxaana soo shaac baxay arimo cusub ee la xariirka kiiska ikraan.
Nabad sugida soomaaliya ayaa bilowgii sheegtay in ikraan ay dileed alshabaab.inkata oo eheladeeda iyo r/wasaarihii xiligaas ee soomaaliya maxamed xuseen rooble ay ku gacan seyreen hadalka Nisa ku tilmaameen mid waxba kama jiraan ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.La-taliyihii hore ee amniga qaranka Fahad yaasiin xaaji daahir oo sidoo kalana ahaa agaasimaha Nisa xiligii ikraan la waayay ayaa waraysigii laga qaaday markii uu xilka waayay kadib waxa uu sheegay in dilka ikraan tahliil ay iska kaashadeed rag siyaasiin ah oo uu ka magacaabay.
Taliyaha hada ee Nisa maxamed maxamed salaad.iyo R/wasaarihii hore maxamed xuseen rooble.wasiirkii ku xigeynka wasaarada warfaafinta xukuumada soomaaliya cabdiraxmaan yuusuf alcadaala iyo alshabaab. hasayeeshee waxaa mar kale hadalka fahad yaasiin gaashaanka u daruuray hooyada dhashay ikraan tahliil qaali maxamuud guhaad oo sheegtay in warkaasi uu yahay marin habaabin iyo mid lagu jaha wareerinaayo kiiska gabadheeda.
Xildhibaan daahir aamiin jeesow oo ka mid ah mudayaasha baarlamaanka soomaaliya . qaraabo dhowna ay yihiin qoyska ikraan tahliil ayaa mar kale soo cusbooneysiiyay kiisa ikraan tahliil waxaana uu si cad u sheegay in ikraan ay u dhimatay kaambeyn ayna la mid tahay dadkii ka soo jeeday beelaha hawiye ay ee ay laayeen koxdii USC Laguna eedyn jiray in uu dilay maxamed siyaad bare.sidda uu hadalka u dhigay.












