Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya oo Shir uga Furmey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

0
636

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha Maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in diirradda lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu shirkan dabo socda kulamo isdaba joog ah oo xoogga lagu saaray arrimaha dib u habaynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa socon doono saddex maalin.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasaaradda Qorshaha, Batroolka, Bangiga dhexe, masuuliyiin ka tirsan xafiisyada Madaxtooyad iyo ra’iisul Wasaaraha.