Ciidamada badda Ee|Dowlada Netherland ayaa Shaacisay in 11-ruux burcad badeed Ey Gacanta Ku Soo Dhigeen

0
634

Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dowlada Holland ayaa sheegtay in ey Gacanta Ku soo Dhigen  maraakiibteeda dagaalka jimcihii In Uu  koox burcad badeed ah  ka badbaadiyey illaa iyo 17 ruux oo ay afduub u heysteen Dhalinyarada Burcad Badeeda Gudaha xeebta Soomaaliya.
Helicopter-rada Qaaska U Ah Ciidamada Badda ee Holland ayaa Mid Ka Mid Ah Ciidanka Oo Ilaalo Ku jiray Ayaa Waxa u Isha Ku Dhufatay Dooman yar yar oo jiidaya Doon ay Dad saaran yihiin isla Markaana loosii  jiidaya Dhanka xeebta.

War ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga Holland  ayaa Lagu Sheegay in Ciidamada Badda Ey soo qabqabteen Ilaa 11-ruux oo ka tirsanaa burcad badeeda .

Waziirka Gaashndhiga Netherland Waxa uu Ku Faanay  in ciidamadooda si gaar ah u tababaran isla markaana ay siiyaan  dooman dheereeya oo lagu Qabanayo howlgalo lagu badbaadinayo dadka dalxiisayaalka Ah Ee Lagu  afduubTo Gudaha Xeebaha Somaliya.

Wasaarada gaashaandhiga  Holland ayaa ka war bixisay xaalada dadki Ahaa la heystayaal  ay ka Soo badbaadiyen burcadda waxayna sheegtay in ay caafimaad qabaan dadkii ay badbaadiyeen ayna maxkamad soo saari doonaan kooxda burcad badeeda soomaalida ah.

Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)