WararkaSoomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Hoggaamiyaha guud ee ururka Al qaacida Dr Ayman Al Dawaahiri ayaa soo diray Cajalad maqal iyo muuqaal ah oo uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya markii ugu horeysey kadib sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay dilki hogaamiyihii hore ee Alqaacida Osama Bin Laden.
Cajalada uu soo diray hoggaamiyaha Al qaacida Dr. Ayman Al Dawaahiri ayaa waxaa diiradda lagu saaray sii adkaynta dagaalada ay Al qaacidda ka waddo Soomaaliya iyo sidii Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab uu dagaalada u sii wadi lahaa.
Cajalada fariinta Uu Dr Eyman ayaa soconayso muddo 14-daqiiqadood ah, waxaana lagu boorinaayaa sii socoshada dagaalada ka socda Soomaaliya.
Fariinta oo loogu magac daray “Libaaxyada Soomaaliyeedow la dagaallama Caruurta Abii Riqaal”, ayaa waxa uu Dr. Ayman Al Dawaahiri kula dardaarmay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab uguna baaqay in dagaalada sii wadaan.
Waa Cajaladdi labaad ee uu soo diro hoggaamiyaha Al qaacida kadib markii ay dhowaan midoobeen ururka Al-qaacida iyo xarakada mujaahidiinta Al-shabaab oo dagaalo kula jiraan ciidamo ka kala socda wadamo dhowr oo Afrikan ah iyo ciidamada Dowlada Somaliya .
WararkaSoomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




