Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Dowlada Holland ayaa sheegtay in ey Gacanta Ku soo Dhigen maraakiibteeda dagaalka jimcihii In Uu koox burcad badeed ah ka badbaadiyey illaa iyo 17 ruux oo ay afduub u heysteen Dhalinyarada Burcad Badeeda Gudaha xeebta Soomaaliya.
Helicopter-rada Qaaska U Ah Ciidamada Badda ee Holland ayaa Mid Ka Mid Ah Ciidanka Oo Ilaalo Ku jiray Ayaa Waxa u Isha Ku Dhufatay Dooman yar yar oo jiidaya Doon ay Dad saaran yihiin isla Markaana loosii jiidaya Dhanka xeebta.
War ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga Holland ayaa Lagu Sheegay in Ciidamada Badda Ey soo qabqabteen Ilaa 11-ruux oo ka tirsanaa burcad badeeda .
Waziirka Gaashndhiga Netherland Waxa uu Ku Faanay in ciidamadooda si gaar ah u tababaran isla markaana ay siiyaan dooman dheereeya oo lagu Qabanayo howlgalo lagu badbaadinayo dadka dalxiisayaalka Ah Ee Lagu afduubTo Gudaha Xeebaha Somaliya.
Wasaarada gaashaandhiga Holland ayaa ka war bixisay xaalada dadki Ahaa la heystayaal ay ka Soo badbaadiyen burcadda waxayna sheegtay in ay caafimaad qabaan dadkii ay badbaadiyeen ayna maxkamad soo saari doonaan kooxda burcad badeeda soomaalida ah.
Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




