Maamulka Degmada Shaaqshiid Oo Maanta Soo Bandhigay meydka wiil Dhalin Yara Ah oo Lagu Sheegay in Uu aasaayay Miino

0
536


Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Muxudiin Xassan Jurus Oo ah Guddomiyaha Dagmada Yaaqshiid ee Dowlada KMG Oo Maanta Bahda Saxaafadda Kula Hadlay Isla Gudaha Dagmada Isla Markaana uu halkaasi ku soo bandhigay wiil aad u Da’yar oo mayd ah.

Guddoomiyaha degmada yaaqshiid mr jurus waxaa uu carabaabay in wiilkan  ay ku toogteen isagoo ku guda jiro Fal Amaanka carqalad Gilinaya .

Maxudiin Jurus Mar Uu Bahda Saxaafadda La Hadlayyay waxa Uu Yiri ” Wiilkani yar waxaan aragnay Isagoo Sita jawaan ka Dibna waan daba galnay Dabadeeda Waxaa uu Isku dayay In uu Ku aasay Dhulka Anaga Waxaan ku Amarnay in uu Is Dhiibo Amardiido dabadeedana weynu Tooganay”.

Sidoo kale mr jarus waxauu kunuux nuuxsaday inay gacan ber ah ay ku adkeen doonaan amaanka guud ee degamda Yaaqshiid waxaana uu ugu baaqay dhaam shacabka ku dhaqan degmadiisa in ay la shaqeeyaan cidamada Dowlada KMG Somaliya .

Sikastaba Ha Ahaatee Ma ahan Markii ugu  Horeysay oo Dil cayn Kani Oo Kale Ah Ey Ciidamada Dowlada u Geestaan Dhalinyarada Shacabka Ka Ah Oo badan Kood Looga Shakiyo in Ey la Shaqeyaan Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Mujaahidiin Al-shabaab .

Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)