Dilkii Cali Jabal oo Mareykanku ka Hadley/muxuu ka sheegey sida lagu dilley?.

0
529

Wasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka, ayaa sheegtay in ay ka qeyb-qaadatay howlgal koonfurta dalka Soomaaliya ka dhacay 30-kii bishii Julay, kaas oo lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Al Shabaab oo u qaabilsanaa qaraxyada ka dhaca magaalladda Muqdishu.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxamaan Yariisoow, ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel u dhow deegaanka Torotoroow, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta lagu dilay Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal.

“Dowladda Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay oo ka dhacay agagaarka Tooro-Toorow, waxaana la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha  Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal)”, sidaasi ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan”.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, kaddib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” ayaa lagu yiri qoraalka.

warsom2011@gmail.com