Dalkan Kanya ayaa maanta waxaa ka dhacaya codbixinta dooarashada madaxtinimo, iyadoo dadku haatan usoo baxeen codeynta.
Waxaa lasoo dooranayaa lix qeybood oo kala ah madaxweynaha, governor, senator, xildhibaan, wakiilka haweenka iyo xubinta golaha is maamul hoosaadka (MCA).
Dhanka madaxtinimada, ayaa ku loolamaya madaxweynaha haatan Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga, kuwaasoo tartamaya markii labaad.
Tirada codka bixineysa ee diiwaan gashan ayaa gaaraya illaa iyo 19 million oo qof, sida ay sheegeen guddiga doorashada iyo xuduudaha ee dalkan.
Doorashada madaxtinimo ayaa la qabtaa shanti sano mar. Illaa iyo hadda wax dhib ah lasoo tabiyey ma jiraan.
Shacabka waxey muujinayaan walaac dhanka ammaanka ah, dowladase ayaa sheegtay in ciidanka ammaanka heegan lagaliyeen.
warsom2011@gmail.com









