Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa maanta shacabka dalka Kenya ugu baaqay in dalkooda ay ka dhacdo doorasho nabad-gelyo ah.
“Waxaan ugu baaqayaa hogaamiyeyaasha dalka Kenya, in ay diidaan isku dhacyo dalkooda ka dhaca inta doorashada ay socoto”, ayuu yiri Obama.
Dhinaca kale Obama ayaa dhammaan shacabka dalka Kenya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad-gelyada doorashada iyo kalsooni la aamini karo.
Obama, ayaa aabihiis waxaa uu ku dhashay dalka Kenya, waxaana inta badan sheegaa in Kenya ay tahay meel yara degan oo dhaqaallaheeda uu soo hagaagayo.
Dalkan Kanya ayaa maanta waxaa ka dhacaya codbixinta dooarashada madaxtinimo, iyadoo dadku haatan usoo baxeen codeynta.
Waxaa lasoo dooranayaa lix qeybood oo kala ah madaxweynaha, governor, senator, xildhibaan, wakiilka haweenka iyo xubinta golaha is maamul hoosaadka (MCA).
Dhanka madaxtinimada, ayaa ku loolamaya madaxweynaha haatan Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga, kuwaasoo tartamaya markii labaad.
warsom2011@gmail.com









