Jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota oo Daah furey Xarun cusub.

0
524

Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa shalay waxaa albaabada loo furay xarun ganacsi oo ay Soomaalidu leedahay.

Xaruntan oo lagu magacaabo Jigjiga Business Center, ayaa waxaa la wareegay Khadar Jigre Aadan oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo yeeshay xaruntii ugu horreysay ee ganacsi ee ay Soomaalidu ku yeelato gobolkan Minnesota.

Xafladdii furitaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Duqa Magaalada Minneapolis ee Betsy Hodges, Iyo Cabdi Warsame oo ah mas’uul ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis.

Sidoo kale koox ka socotay Madxafka Soomaalida Minnesota, ayaa waxa ay munaasibada ku soo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges, oo khudbada ka jeedisay xafladda furitaanka, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay goobjoog ka ahaato maalintan taariikhiga ah ee Soomaalida Minnesota, waxa ayna xustay in ay Soomaalidu kaalin muuqata kaga jiraan ganacsiga iyo horumarka magaalada Minneapolis.

Besty Hodges oo ah shaqsi aad ugu dhow Soomaalida ayaa waxaay tiri “ waxa aan idin ka raalli gelinayaa hadallada naceybka ah ee ka soo yeeraya Madaxwayne Trump ee ka dhanka Soomaalida, waxaan rabaa inaan idiin sheego in haddii aan nahay madaxda magaalda Minneapolis aan dhamaantayo idiin la jirno, idinna jecelnahay”

Mudane Cabdi Warsame oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Magaalada Minneapolis ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii dadaalka u galay sidii Goluhu u fududeyn lahaa inay Soomaalidu yeelato xaruntii ugu horeysay ee ganacsi. Cabdi Warsame oo ka hadlayay halka Soomaalidu higsaneyso ayaa yiri “Waan naqaanaa dhaqanka Soomaalida markii meel noo bilaabato, meelo kale oo badan ayaan rajeyneynaa inaan yeelano, anigu halgankaan ku jiro waa inaan saboolnimada ka baxno oo aan hanti yeelano, oo intii aan waligeen kireysato ahaan laheyn aan noqonno kuwa kirada aruursada” Khadar Jigre Aaden oo ah Milkiiha Xarunta Ganacsiga ee Jigjiga ayaa waxa uu sheegay in dhismaha xaruntu uu ka kooban yahay afar dabaq, ayna ku yaalaan ganacsiyo kala duwan. “aad baan ugu faraxsanahay in la soo gaaro maalintii guusha ee dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, aniguna aan noqdo qafkii horseeday inaan yeelano xaruntan” ayuu yiri Khadar oo dadkii madasha joogay ay hadalkiisa sacab aan kala go’ laheyn ku lareen.

Khadar ayaa u mahadnaqay dadkii kaalinta ku lahaa in la suuragaliyo furitaanka Xarunta Ganacsiga ee Jigjiga, gaar ahaan waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay, Mudane Cabdi Warsame oo uu sheegay in la’aantii aan laga mira dhaliyeen, riyadan maanta miraheeda loo dabaal degayo, waxuuna uu yiri Cabdi Warsame waa aabaha Xarunta Ganacsiga ee Jigjiga”

Soomaalida Minnesota ayaa marba marka ka danbeysa waxa ay kor u sii qaadeysaa kaalinta ay kaga jirto bulshooyinka gobalka. Talaabadan iyo kuwa la midka ah ayaan inta badan warbaahinta gobalku soo hadal qaadin halka ay diiradda uun saaraan qaladaadka bulshada, waxaase hubaal ah in Soomaalidu ay yihiin cudud muuqata oo wanaagooda iyo waxtarkoodu uu ka badan yahay xumahooda.

warsom2011@gmail.com