Ciyaal- kooxo kooxo u socda oo ku hubaysan baastoolado iyo middiyo ayaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay dhaawacyo u gaystay dad shacab ah oo guryahoodi ku sii jeeday ,waxaana weeraradan oo ah kuwa qorshaysan ay dadka kaga furtaan moobeelada iyo alaabaha kale ee ay wataan.
Xaafad-da SAFA oo ku dhow Masjidka Raxma ayaa kamid ah goobaha sida daran ay kooxahan uga howl-galaan ,waxaana dadka degan xaafad-daas oo aan la xiriirnay ay inoo sheegeen in kooxahan ay khal-khal galiyeen goobahii ganacsiyada ee xaafad-da ,iyada oo dadk ugu badan ee la dhibaateeyo ay yihiin dumarka.
“Walaal waxaa nagu adkaaday in gabdhihii yar-yaraa ee guriga noo joogay aan banaanka wax uga dirsano , waxaa naloo sheegay in gabdhaha qaar jirdil loo gaysanayo oo naaska mid-di looga jarayo “ ayuu yiri C/risaaq Nuure oo kamid ah dadka xaafad-da degan oo aan la xiriirnay.
Qaar kamid ah culumaa’udiinka masjidka Raxma ayaa dhowr mar ugu baaqay booliska gobolka Bari in arintan uu wax ka qabto , isla markaana ilaa iyo hadda aysan jirin wax talaabo ah oo la qaaday ,iyada oo ay jiraan saldhigyo boolis oo ku yaal-la xaafad-da ay dhibaatadu ka jirto.
“Waxaan gudbinay magacyada dadka hogaaminaya ciyaalkan ,mana jirto cid wax ka qabatay , waxaan ka shakisan-nahay in uu jiro xiriir ka dhaxeeya ciyaalka iyo saldhigyada xaafad-da ku yaal, waayo ma jiro qof wali sharciga lala tiigsaday oo ciyaalkan ka tirsan “ ayuu yiri Shiekh Maxamud Axmed oo isna nala soo xiriiray.
Xiliyada ay howl-galada qaadaan ciyaalkan hubaysan ayaa la sheegay in ay tahay inta u dhaxeysa maqribkii ilaa iyo 11:00 fiidnimo , waxaana ka hor inta aysan qofka taleefanka ka qaadin la sheegay in ay baskoolad ku qabtaan ama ay ku dhaawacaan.
Amni darada habeenkii ee magaalada Bosaaso ayaa sidoo kale waxa ay ka jirtaa xaafad-da Laanta hawada gaar ahaan xaafad-da ka danbaysa Masjidka Kutuba-weyne ,waxaana la sheegay in rag ku labisan dharka ciidanka ay dadka moobeelada ka furtaan.
Ugu danbayn , qaar kamid ah odayaasha xaafadaha Bosaaso ayaa taliska booliiska ugu baaqay in uu is-casilo hadii uusan damaanad qaadi karin amniga shacabka xiliga habeenkii ah ,waxaana xaaladahan amni darro ah ay ahaayeen kuwa isa soo tararay bilihii la soo dhaafay.
warsom2011@gmail.com









