Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegayaa iney ka baxsdeen goobta ay dilka ka geysteen waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowladda federaalka oo isla wakhtiga dilku dhacay howl galo amni ka waday xaafada dilku ka dhacay isla goobta ayey baaritaan ka bilaabeen.
Ma jirto masuul ka tirsan dowladda iyo saraakiisha amaanka oo ka hadlay dilka Gudoomiye ku xigeenka iyo ilaaladiisa, Waxaana masuuliyada dilkan sheegtay Ururka Al-shabaab oo dilalka qorshaysan ka fuliya magaalada Muqdisho iyo gobolada kale Soomaaliya.





