Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wadajir Oo La Dilay Iyo UGUS Oo Sheegatay Masuuliyada Dilkaasi.

0
427
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu diley gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Cabdifataax Bare Guure iyo labo ka mid ah ilaaladiisa ka dib markii kooxo hubaysan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaariga gudoomiye ku xigeenka oo marayey xaafada Nasteex.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegayaa iney ka baxsdeen goobta ay dilka ka geysteen waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowladda federaalka oo isla wakhtiga dilku dhacay howl galo amni ka waday xaafada dilku ka dhacay isla goobta ayey baaritaan ka bilaabeen.

Ma jirto masuul ka tirsan dowladda iyo saraakiisha amaanka oo ka hadlay dilka Gudoomiye ku xigeenka iyo ilaaladiisa, Waxaana masuuliyada dilkan sheegtay Ururka Al-shabaab oo dilalka qorshaysan ka fuliya magaalada Muqdisho iyo gobolada kale Soomaaliya.