Labada Gaari ee isku dhacay ayaa kala ah Mark II ka yimid magaalada Gaalkacyo oo rakaab sidey Gaariga kale ayaana isna ahaa Lancruser ka yimid dhanka magaalada Garoowe, Gaariga rakaabka ah ee ka yimid Gaalkacyo ayaa dadkii saarnaa ka bad baaday hal qof oo dhaawac culus ah waxaana saarnaa lix qof sida ay sheegeen ciidanka wadooyinka Garoowe.
Dadkii saarnaa Gaari kale ayaa dhamaan tood waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan oo u badan jabjab waxaana ku jira qaar dhaawacooda halis yahay oo lagu dabiibayo Isbitaalka magaalada Garoowe oo dhaawaca la soo gaarsiiyey.
Mid ka mid ah dadka gaariga Lanruserka la socday oo dhaawac ah ayaa sheegay in xiliga shilku dhaceyey roob da’ayey goobta ay ku kulmeena ay ahayd goolad wuxuu sheegay in aysan suurtagal ahaan kerin in labada gaari is arkaan sababtuna ahayd roobka da’ayey.





