Abwaan Guure Iyo C/raxiin Cise Cadow Oo Xuriyadoodii Dib U Helay

0
703

xarigHay’adda Nabad Suggida, ayaa waxay goor dhow ay dib xoriyadooda u siiyay Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Cadow iyo Agaasimaha Idaacada Kulmiye Cismaan C/laahi Guure.

Xilli toddobaadkii hore looga digay Warbaahinta Magaalada Muqdisho inay tabiyaan macluumaadka ku aadan Al Shabaab Ayaa Maanta Waxa Ay Nabad Suggida, Idaacadahaan ku eedeysay inay saakay baahiyeen warar la xiriira Ururka Al Shabaab.

Cismaan C/laahi Guure oo ka hadlay sii deysmadooda, ayaa sheegay in muddo saacado ah ay maanta xoriyadoodu ka qaaday Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Islamarkaana Ay Haatan Nabad Qabaan Oo Ay Wax Caqabad Ah Kala Kulmin Ciidamada Inta Ay Ku Xernaayeen Xabsiga.

Cismaan C/laahi Guure, Agaasimaha Idaacada Kulmiye waxa uu isku difaacay inaanay iyagu wax shaqo ah ku lahayn eedeymaha kaga yimid Nabad Suggida Isagoona sheegay in warka lagu heysto ay saakay baahisay laanta afka Somaliga ee VOA, xilli Idaacadooda ay u sii dhex marisay in laga dhageysto Magaalada Muqdisho.

Nabad Suggida wax war ah kama soo saarin xariga Suxufiyiinta loogu geystay Magaalada Muqdisho, sidoo kale Nabad Suggida waxay xalay xabsiga dhigtay saddex ka mid ah Shaqaalaha Idaacada Simba.

Dowladda waxaa horey ugu xirnaa ilaa afar Suxufi, Waxaana Suxufiyiintaasi midkood shalay laga qabtay Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaalada Muqdisho Xabsina Loo Taxaabay.