“Ridwaan Xaji C/Wali“ Golaha Wasiiradu Waxay Xilkii Ka Qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda ,C/laahi (Sanbaloolshe)

0
357

sanbaloolsheShir Aan Caadi Ahayn Oo Ay Maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Waxaa Shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed Waxaana Shirka loogaga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu Ay xilkii ka Xayuubiyeen Agaasimihii Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka Xukuumada oo saxaafada la hadlay kulanka ka dib ayaa sheegay shirka golaha Wasiirrada in warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

“Kulankii maanta ee golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaa warbixin ku aadan amniga dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga laga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga waxayna soo saareen feejignaan gaar ah in masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ay yeeshaan kaddib dilkii hoggaamiyihii kooxda Al-shabaab, goluhu wuxu soo dhaweeyay hawlgalada ay wadaan Ciidamadda Xogga Daalka iyo AMSIOM ee ka socda gobollada dalka.” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumada Somaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in xilkii agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya laga qaaday Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) si ku-meel gaar ahna xilkaasi loogu dhiibay ku xigeenkiisa.

“Golaha Wasiiradu waxay xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxana si KMG ah loogu dhiibay xilkaas inuu sii hayo ku xigeenka Hay’adda Nabad Suggida.” ayuu yiri Ridwaan Xaaji Oo Ah Afahayenka Xukuumadda C/Wali Sheikh.