War AMISOM ay ku baahisay Barteeda Twetter-ka ayey ku sheegtay in duqeyn shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib ay ku dileen illaa 50 dagaalamayaasha Al Shabaab ka tirsanaa.
AMISOM ayaa sheegtay in ay Bartilmaamsadeen meel ay ku shir sanaayeen Hoggaamiyaal iyo Saraakiil Al Shabaab ah oo cadaan iyo Soomaali isugu jira ayna ku dileen illaa 50 ka mid ahaa Kooxahaasi.
Sida intiinnii aqrisatay boggeenna Shabelle ama dhageysatay idaacadda shalay ayaa duqeymo xoog leh waxa ay ka dhaceen deegaan lagu Magacaabop fara gurow oo Seddex KM xagga galbeed ka xiga Degmada Jilin ee Jubbada dhexe taas oo sida qof deegaanka ah uu shabelle ugu warramaya ay ku dhaawacmeen illaa 5 qof.
Weli Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan sheegashada AMISOM ee Tobanaanka dagaalamayaashooda ah ay ku qaarijiyeen Jilib ku aadan.
Hase ahaatee weerarkaan ayaa imaanaya Maalin kadib weerar Al Shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya kaas oo sida la sheegay ay ku dhinteen 12 Askari.




