Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa la sheegay in Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir ay ku Dileen Wariye ka mid ah,Wariyaashii ka howlgali jiray Idaacada Jubba ee Magaalada Kismaayo.
Yaxye Macalin Soofe, oo ah Tafaftirihii Idaacada Jubba ayaa Keydmedia online u sheegay in Wariye Farxaan Macalin Muxumud ay Ciidamada kala baxeen Guri uu ka daganaa Degmada islamarkaana la sheegay in ay Dileen.
Farxaan Macalin Muxumud ayaa la sheegay in Ciidamada ay ku Eedeyeen in uu ka tirsan yahay Maleeshiyada Al-shabaab islamarkaana ay Dileen.
Yaxye Macalin Soofe oo in mudo ah ay soo wada shaqeyeen Farxaan ayaa sheegay in uu san Al-shabaab Xariir lala heyn oo Muqdisho uu u yimid Waaridkiis sida uu sheegay,waxuna Madaxda Dowladda Soomaaliya ka codsaday in Jawaab laga bixiyo Dilka Wariye Farxaan oo la soo cadeeyo.
Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo la sheegay in wariyahaan ay dileen wali wax war ah ka ma soo bixin oo ku aadan in Wariyahaasi ay Dileen.




