Madaafiic kale oo lagu garaacay AMISOM ee Muqdisho

0
442

Dagaal yahano hubeysan oo looga shakiyay Ururka Al Shabaab ayaa Xalay Weeraro Madaafiic ahaa waxey ku qaadeen Xarumo ka tirsan Degmooyinka Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaafiicdan ayaa waxaa Xalay lagu garaacay Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Garoonka Stadium Muqdisho oo Fariisimo ku leh Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa la sheegay in Weerarka Madaafiicda ahaa ee lagu qaaday Saldhiga AMISOM in ay ku geeriyooday 1 Ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 kalena.

Weeraradan soo laab laabta majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Laamaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya kaasi oo ku aadan Weerarkii lagu qaaday Saldhiga AMISOM.

Weerar kan la mid ah ayaa Habeen hore waxaa sidoo kale lagu qaaday Degmada Boondheere halkaasina waxaa ku geeriyooday Haweeney Iyadoona sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray 4 kale oo la dhigay Isbitaalka Daarushifa ee Magaalada Muqdisho.mucjiso_daaya_dagaalka-620x330