Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Warqado ku Daadiyey Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,kuwaas oo dalbanayey in La Damiyo Leyrarka Xiliga habeenkii ah.
Teaser Image Al-shabaab oo Amar Dul dhigay Shacabka Suuqa Xoolaha ku Nool
Waxaana Shacabka ku Nool Degmada ay Xalay Fuliyeen Amarka Maleeshiyada Al-shabaab ka soobaxay,ayadoona Wararka ay sheegayaan in Al-shabaab,ay Kontoroolayeen sida Amarkooda Loo qaatay.
Intaa ka dib ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Bandaw ka dhigay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa,ayagoona Amray in la Xiro Goobaha Ganacsi.
Waxaana Wararku ay sheegayaan Ciidamada ay Arintaasi u sameyeen ka dib markii Shacabka ay Fuliyeen Amarka Al-shabaab.
Gudoomiye Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Hiliwaa C/xafiid Max’ed Xirsi ayaa Keydmedia online u sheegay in Shacbka aysan qaadan Karin Amarka Al-shabaab,cidii Qaadatana ay yihiin Al-shabaab.
Waxaana Arrinta ugu weyn ay tahay Shacabka ku nool Suuqa Xoolaha oo Labo Dhinac ka Guban oo Al-shabaab iyo Dowladda Amarkooda u dhaxeeya.




