Xildhibaanada BFS oo Su’aalo weydiiyay Wasiir Maxamed+SAWIRO

0
473

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ku horyimid islamarkaana Su’aalo kala duwan lagu weydiinayay Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay wax ka weydiiyeen Heshiis uu dhawan la soo galay Dhiggiisa Dalka Talyaaniga.

Xildhibaanada qaarkood ayaa waxey sheegeen in Heshiiska Wasaarada Gaashaandhigga ay la soo gashay Wasaarada Gaashaandhigga ee Dalka Talyaaniga in uu ahaa mid Sharci darro ah Iyagoona sheegey in loo baahan yahay in arimahaasi si qoto dheer loo fiiriyo.

Dhinaca kale, Wasiir Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka jawaabayay Su’aalihii la weydiiyay ayaa sheegay in Heshiiska ay gaartay Wasaarada Gaashaandhigga islamarkaana ay la gaartay Dhiggooda Dalka Talyaaniga in la gaaray watigii loo baahnaa.

Waxuu sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya uu tilmaamay in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay in ay saxaan qaladaadka ka jira Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxey Su’aalo kala duwan ee ku qotoma Xaalada Dalka waxey wax badan ka weydiinayeen Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

DSC_1129 DSC_1132 DSC_1133 DSC_1134 DSC_1135 DSC_1138 DSC_1140 DSC_1142 DSC_1143 DSC_1145 DSC_1147