Diyaarad kale oo waday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo musaafuriyay dalka Kenya, ayaa Maanta oo Talaado ah laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Teaser Image Soomaali laga soo musaafuriyay dalka Kenya oo laga dejiyay Garoonka Muqdisho
Dadka lasoo celiyay oo gaaraya 95 Qof oo isagu jira Haween, Caruur & Dad Da’ ah ayaa waxaa la socday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxa’ed Cali Ameeriko, waxaana uu u sheegay Warbaahinta Dad kale oo horleh Maamlmaha soo socda la keeni doono Muqdisho.
“Waxaan ahay Oday Wayeel ah, Ciidamada Kenya ayaa iga qabtay Bil kahor Xaafadda islii anigoo ka imid Isbitaal, waxaana mudo Bil ah ku jiray Xabsi ku yaalla Garoonka Jomo Kenytana, halkaasi oo si xun la igula dhaqmay oo la tixgelin waayay Warqadihii Caafimaad ee aan watay,”ayuu yiri Oday kamid ahaa Dadkii Maanta la keenay Muqdisho.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenya ayaa waxaa ay kala kulmayaan Ciidamada Amaanka dalkaasi Dhibaatooyin isagu jira Dhac, Jirdil & Kufsi loo geysanayo Huweenka xilliyada Haweenkii Guryahooda ugu galayaan Ciidamada.
Kumanaan, ayaa wali ku xiran Xabsiyada Kenya, gaar ahaan kuwa ku yaalla Nairobi waxaana wali socda Howlgallo ka dhan ah Soomaalida oo xitaa ay ku jiraan Madaxda Safaaradda Nairobi.
Waxaa horey Muqdisho lasoo gaarsiiyay Labo qeyb oo ka mid ah dadka laga soo musaafurinayo dalka Kenya, iyadoo qeybta Maanta la keenay ay noqoneyso qeybtii Saddexaad.




