Dagaal u dhaxeeya ciidamada somaliland iyo kuwo ka amar qaata maamulka la baxey Khaatumo state ayaa maalintii labaad ka socda gobolka sool deegaano ka tirsan,kuwaas oo dhinacba dhinaca kale uu ku eedeynayo in uu ka gardaranyahey dagaalkana uu isagu ku soo qaadey.
Dagaalka oo markii hore ku bilawdey labo beelood uu markii danbe isu bedeley mid siyaasadeed oo salka ku haya labada maamul ee ay kala sheegtaan S/land iyo Kh/state,waxaana lagu soo waramayaa in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu jiro.
Midna kama hadlin maamulada ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobolka Sool,waana dagaalo soo noq noqdey ee maahan dagaalkani mid hada uun bilawdey,g/s Cabdi Muxumed Aadan ayaana u sheegey in meel labatan km u jirta laascaanood uu dagaalku shaley iyo maanta ka dhacayey,isla markaana aysan jirin cid si gaar ah gacanta ugu heysa meelihi leysku dirirey ciidamaduna ay wada joogaan,meelihii dagaaladu ka bilawdeen.




