Gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhexdhexaadin ka dhexwada m/weynaha iyo r/wasaaraha C/weli Sheekh Axmed.

0
634

Gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhexdhexaadin ka wada m/weyne Xasan Sheekh iyo R/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed kuwaas oo isku mari la’a habka loo soo dhisayo xukuumada cusub ee laga sugayo C/weli Sheekh Axmed.

M/weynaha iyo r/wasaaraha ayaa isku haya xubno hore u ahaa wasiiro oo la saftey m/weynaha markii ay is qabteen dr Saacid oo hada doonayo m/weyne Xasan Sheekh in kuwan cusub lagu daro iyo r/wasaaraha oo ka biyo diidan in wasiir hore uga amar qaadan waayey r/wasaarihii isaga ka horeeyey in uusan isaga ka amar qaadaneyn aysana habooneyn in uu xukuumadiisa kusoo daro.

M/weyne Xasan Sheekh ayaa xubnahan isu dhawyihiin waana xubno ka tirsan ururka damuljadiid ee m/weynaha lagu xanto in ay aad isugu dhawyihiin isaguna uu inkiro,laakiin ay mar mar xaaladu difaaciweyso inkiraada qaarkeed.

Gudoomiyaha barlamaanka ayaa isku dayaya in uu meel dhexe isugu keeno uuna yiraa wasiir walbaa hasoo qoro wasiir uu ku kalsoonyahey,sida xukuumadii farmaajo.