Xog Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Dagaaladii Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

0
711

Wararka Soomaaliya

Ilo Wareedo ku sugan meel ku dhow Deegaanka Matabaan oo maalmihii ugu dambeeyay dagaalo ay ku dhaxmarayeen Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kooxda Ahlu Sunnah ayaa waxaa wararka ay sheegayaan in ka badan 60 dagaal yaahn oo ka tirsan kooxda ahlu sunnah ay daad san yihiin goobihii dagaalada ay ka dhaceen waxaana ilo wareedyada ay intaa ku darayaan in la arkayo Maleeshiyaad cagta maalaya oo maraya hoodka dhanka guri ceel xiga kuwaa ay ka muuqaneyso diif iyo daal aad u badan oo ay kala kulmeen dagaaladii ka dhacay demada Matabaan

Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ayaa u sheegay in ay arkeen hub aad u badan iyo gaadiid dagaal oo ay ka carareen maleeshiyaadka kooxda Ahlu Sunnah

Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalda Balad weyne ayaa xaqiijinay in meydadka Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Ahlu Sunnah la keenay xarunta Maamulka Mujaahdiinta Al shabaab ee Magaalada Balad Weyne waxaana lagu Aasay maleeshiyaadkaasi qubuuro lagu magacaabo Qubuuraha Murtadiinta oo ku yaala duleedka Magaalada Balad Weyne oo lagu Aaso Maleeshiyaadka ka dhimata Ahlu sunnah Waxaana Magacaasi bixiyay Mujaahidiinta Al Shabaab

Sidoo kale Wararka aan ka haleyno Magaalada Guri ceel ayaa sheegayaa in la geeyo isbitaalka dhexe ee degmada Guri ceel in la geeyay in ka badan 40 dagaalyahaan oo ka tirsan Maleeshiyaada Ahlu Sunnah oo ka dhaawacmeen dagaalada ka dhacay demada Matabaan

Waxaana qasaaraha ba’an ee soo gaaray Ahlu Sunnah uu imaanayaa xilli dhawaan C/nuur Macalin Abshir oo ah afhayeenka Ahlu Sunnah oo sheegay in ay dileen Mujaahdiinta fara badan oo ka tirsan Al Shabaab isagoona qarinaya jabka iyo hooga soo gaaray kooxda Ahlu Sunnah

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)