a force dubbed “Dulmi-Diid” (Rejecters of Injustice) was unveiled, while members of the Hirshabelle administration were given 24 hours to leave the city.

0
5

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan xerada Lamagalay ayaa maanta lagu soo bandhigay muuqaalka isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda waxaana loogu magac daray Dulmi diid.

Ciidamadan oo wata hubka nucyadiisa kala duwan ayaa ka shaqeyn doona sugidda amniga, goobta waxaa lagu soo bandhigayay ku sugnaanadii gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo dhawaan maamulka Hirshabeelle ay ku eryeen xilka qaadis islamarkana diiday, duqa cusub Hirshabeelle ee dhawaan uu magaalada Baladweyne u magacaabay madaxweynaha ku xigeenkiisa hore ee Ducaale Aadan Garaase, taliyaha deegaanka,odayaal dhaqameed, dhalinyaro iyo haween.

Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in 24 saacadood looga baahan yahay xubnaha ka amar qaata maamulka Hirshabeelle ee dhawaan lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ay uga baxeen magaalada Baladweyne.

Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in haddii ay u hoggaansami wayyaan amarkan laga qaadi doono tallaabo.

‘’ Waxaan rabaa inaan faro xubnaha ka amar qaata Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baladweyne inay 24 saacadood uga baxan magaalada Baladweyne, haddii ay ka dhaga adeygan tallaabo laga qaadi doono.’ayuu yiri guddoomiyaha Carab.

Maxaas hore ee degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane iyo hore ee ciidamada booliska gobolka Hiiraan Col Cali Dhuux Cabdi Mahad alle ayaa sheegay in ciidamadan duulaan ku yihiin ciidamada qaranka ee ku sugan magaalada Baladweyne islamarkana loo sameeyay kaliya ciidamadan sidii loo heli lahaa xaquuqda maqan bulshada gobolka Hiiraan.

Ciidamadan isku dhafka ah ee Macawisleyda oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa lagu wadaa inay dhaqdhaqaaqo ka sameeyaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha maamulka ee uu xilalka u magacaabay xilka cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliya ayaa ku sugan magaalada Baladweyne lama oga sida ay ugu hoggaansami doonaan amarkan ka soo baxay xubnaha baaqa gobolka Hiiraan.