Soomaalida Koonfur Afrika oo Sheegay in ay Dalkan ku Dhimanayaan intii ay Soomaaliya ku Noqon lahaayeen.

0
11

Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa sheegay inay doorbidayaan inay sii joogaan dalkaas inkastoo ay sii xoogeysanayaan mudaharaadyada iyo dareenka ka dhanka ah ajaanibta, iyagoo ku doodaya in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya aysan u saamaxayn inay dib ugu laabtaan.

Guddoomiyaha Golaha African Diaspora Forum (ADF), Amir Sheikh, ayaa sheegay in Soomaalida badankood aysan u arkin dib ugu noqoshada Soomaaliya inay tahay doorasho macquul ah, maadaama ay weli jiraan colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Hadalka ayaa kusoo beegmaya xilli Koonfur Afrika ay ka socdaan bannaanbaxyo lagu dalbanayo in muhaajiriinta aan sharciyeysneyn ay dalka ka baxaan, iyadoo dowladdu sidoo kale adkeysay tallaabooyinka lagu xakameynayo socdaalka sharci darrada ah.

Dalal ay ka mid yihiin Malawi, Mozambique, Ghana iyo Nigeria ayaa bilaabay inay muwaadiniintooda dib uga daadgureeyaan Koonfur Afrika, hase yeeshee hoggaanka bulshada Soomaaliyeed ayaa sheegay in inta badan Soomaalidu ay doorbidayaan inay sii joogaan dalkaas inkastoo ay la kulmaan cabsi iyo cadaadis.

ADF ayaa sheegtay in ganacsatada Soomaaliyeed ay xirtaan dukaamadooda marka mudaharaadyo laga abaabulo deegaannada ay ku badan yihiin, si looga fogaado isku dhacyo, isla markaana ay taageersan yihiin in ciidamada ammaanku ilaaliyaan nabadgelyada iyo kala dambeynta.