“Gargaarka bini’aadantinimo ee Hindiya ay u fidinayso shacabka Soomaaliyeed wuu soconayaa, Gargaar dhan 10 tan oo ay ka mid yihiin dawooyin muhiim ah, qalab qalliin, agab isbitaaleed, iyo qalab caafimaad ayaa loo diray Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.
Haatan, Soomaaliya waxa ay wajahayaa saameynta La Nina ka dhalatay taasoo la filayo inay sii socoto ilaa bilaha ugy dambeeya ee sanadkaan 2025, Tan ayaa keentay abaaro iyo roob yari, taasoo kordhinaysa cunno yari, halista cudurrada sida daacuunka, iyo khilaafaadka ka dhasha ilaha biyaha iyo daaqa ee u dhexeeya beelaha.
Waxaa la saadaalinayaa in lix milyan oo qof ay u baahnaan doonaan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah, Inkastoo cuntada ay tahay baahida ugu weyn, kala bar shacabka Soomaaliya ma haystaan biyo nadiif ah, waxaana adag in la helo hoy ku habboon.












