AMISOM OO SHEEGTEY IN AY XIRAYAAN MADAXDA DAWLADA HADII AY QALAD GALAAN SIDA KUWA BELEDWEYNE.

0
508

Amisom ayaa markii ugu horeysey shaacisey in ay xireen gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii kadib markii ay ku dhex dagaalameen oo ay isku feereen shir bulshadu u dhantahey.

Afhayeenka amisom ayaa maanta si cad u sheegey in hada wixii ka danbeeya la xirayo madaxda dawlada hadii ay qalad la yimaadaan,taas oo dad badani u arkeen in ciidamada ajnebiga ah ee dalka ku sugani ay si tartiib tartiib ah ay ula wareegayaan awooda dalka ayna doonayaan in ay sharaf dil ku sameeyaan madaxda soomaalida,waxeyna dad badani saadaalinayaan in amisom la imaan doonto xeer ilaalin iyo garsoor amisom iyagana loogu yeero,mar hadii ay bolis la yimaaden ayna si cad ugu dhawaaqeen xarigga governerkii iyo ku xigeenkiisii,iyagoon wax ogolaansho ah ka heysan maxkamadaha iyo madaxda qaranka.

Xarigan la xirxirey madaxdi gobolka hiiraan ayaa waxey imaneysaa iyadoo hore loo keeney wax loogu yeerey bolis amisom magac u yaal ah oo meelaha qaarkood lagu arko gawaari qafilan oo ay ku qorantahey bolis amisom kuwaasoo aysan jirin wax alla iyo wax ay qabtaan balse maanta la cadeeyey sababaha loo keeney oo ah in ay madaxda soomaalida soo qabtaan oo ay soo xirxiraan si ay dalka u maamulaan ciidamada ajnebiga ah ee soomaaliya ku sugan.