Handadaada iyo goodiska madaxda dawladu u jeediyaan shacabka ma dawlad wanaagey ku jirtaa?

0
513

Shacabka soomaaliyeed oo arkey xukuumado iyo madaxweyneyaal isbedelayey ilaa iyo markii la yiri xornimo ayuu dalku gaarey ama qaatey waxeyna xukuumadahaas iyo m/weynayaashaasi shacabki gaarsiiyeen in qabyaaladu baahdo boobka iyo hantida qaranka oo la xado,eexda iyo garsoor aan xaq aheyn,iyo handadaada iyo ku takrifalka darajada dadka loogu adeego iwm.

Waxeyna taasi keentey in dadkii xil wada doonaan iyo darajo qaran,oo aad maanta aragtaan halka aan mareyno iyo sida aynu u wada dooney xilka iyo darajada qaranka,si kastaba haku yimaadee markii m/weyne yimaado soomaaliya ama wasiiro waxey ugu horeyn hadalkooda siiyaan handadaad iyo goodin loo goodiyo shacabka danyarta ah sida ganacsatada yar yar ee aan meel kireysan karin midka derbi jiifka ah iyo kan guri dawladeed degen ama dhul qaran dhistey,mana aha sida madaxda dalkeenu ay u handadaan bulshada in uu wanaagu ku imaan karo,waana arin hadii ay madaxdu fahmaan dadku aamini karaan dawladnimada ayna yaraan karto hamiga xukundoonka ah.

Handadaada sharciga ay xukuumadu jeediso waxba uma tari karto mana keento dawlad wanaag,waxaase keeni karta dawladwanaag iyadoon qofna la handadin laguna weerarin xilkii iyo darajedii uu isaga ugu adeegayey waana in aad muwaadinka gaarsiisaa heer ka wanaagsan kii uu shaley taagnaa hadii uusan ku dhaqmin sifo sharciga iyo qawaaniintu aaney ogoleyn sida qof wax xadaya wax boobaya iwm,tusaale hadii meel ay ka jirto suuq la’aan oo dad badani jidadka ku ganacsadaan waa in aadan ku fekerin in aad dadkaas qasab ku xaaqdid ama aad xoog uga kaxeyso ee waa in aad ku fekerto in aad u hesho suuq iyo meel jidka uga wanaagsan oo uu ku ganacsado,diinteena wanaagsani waxey tilmaameysaa hadii qofku qalad uu xitaa kujiro in aad u nasteyxeyso ayaa ka wanaagsan in aad xoog wax ku suuliso sidaas awgeed dawladeena tirada yar ee waqtigan waa in ay bedeshaa jidkii maamuladii hore qaadeen oo ay shacabka naxariis u muujiyaan iyo in ay u shaqeynayaan,si kalsoonida shacabka dawladu u hesho insha allaah.