C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi” Dhibaatooyinka Soomaaliya Ka Jira Xal Looma Helayo Intay Saarantahay Cuna Qabateenta Dhanka Hubka Ah”

0
506

C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya, ayaa sheegay Inay Dib u Dhac Ku Keeni Karto Cuna Qabateenka Hubka Ee Soomaaliya lagu soo Rogay Taasi oo uu ku macneeyay Mr Fiqi Inay Fursad siineeyso Dagaal yahanada Xarakada Mujaahidiinta al-shabaab.

Wasiirka gaashanaadhiggu Sidoo Kale wuxuu sheegay inaan xal loo heli karin dhibaatooyinka ka taagan gudaha Soomaaliya haddii aan cunno-qabteynta hubka la qaadin. “Waxaanu doonaynaa inaan ka hortagno qorshaha kooxaha argagaxisada ah ay ku doonayaan inay dalkan uga dhigtaan saldhig.

“Ma lihin awood aan kula dagaalanno Al-shabaab. Tanina waa arrinta dhabta ah ee la doonayo in beesha caalamku ogaato,” ayuu yiri Fiqi, isagoo intaas ku daray inay ka go’an tahay ka xukuumad ahaan inay dalka oo dhan nabad kusoo rogaan inta ay howsha hayaan.
Xarakada Al-shabaab oo dowladda iyo AMISOM dagaal kula jirta ayaa sannadkan horraantiisii sheegtay inay ku biirtay shabakadda Al-Qaacida, waxayna weli gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo rogay sannadkii 1992 kaddib markii ay dalka ka dhaceen dagaallo sokeeye oo dhiig badan ku daatay, iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku qaybsan yihiin in cunnoqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Hadalkaan Ka Soo Yeeray Waziirka Gaashaandhiga Soomaaliya Ayaa waxa Uu ku soo beegmayaa Xilli Xarakada Mujaahidiinta al-shabaab ay Ka sii Baxayaan Gabi ahaan Dalka Soomaaliya.