Urur Siyaasadeedka Towfiiq oo Sheegay in aysan Aqbali Doonin Natiijada Doorashada Galmudug hadii wax ka Bedel Lagu Sameeyo.

0
7

Hoggaamiyaha Xisbiga Towfiiq, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu uusan aqbali doonin, isla markaana uusan aqoonsan doonin natiijo kasta oo wax laga beddelo doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday deegaannada Galmudug.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu Sheekh Shaakir ku sheegay in ururrada siyaasadeed ay u diyaar garoobeen doorasho xor iyo xalaal ah, balse ay la kulmeen dhacdooyin ay ku tilmaamay kuwo dhaawacay hannaanka doorashada.

“Wax kasta oo laga beddelo, laga nuqsaamiyo ama lagu kordhiyo natiijada ma aqbali doonno, mana aqoonsan doonno. Waxaan aqoonsan doonnaa oo keliya natiijada saxda ah ee waafaqsan sharciga,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Wuxuu sheegay in xisbiga Towfiiq iyo ururrada kale ay wakiillo u joogeen dhammaan goobihii codbixintu ka dhacaysay, kuwaas oo uu sheegay in guddiga doorashooyinku tababar siiyeen isla markaana loo xilsaaray diiwaangelinta codadka goob kasta.

Sida uu sheegay, wakiilladaasi waxay hayaan natiijooyinka goob kasta oo codbixintu ka dhacday, isagoo xusay in xisbigiisu uu sugayo oo keliya in guddiga doorashooyinka si rasmi ah u shaaciyo natiijooyinka la isku waafaqay.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale cambaareeyay dhacdooyin amni oo uu sheegay inay hareeyeen doorashada, isagoo sheegay in qaar ka mid ah wakiillada ururrada la xiray, kuwo kalena la handaday ama laga hor istaagay inay gutaan waajibaadkooda.

Waxa uu tacsi u diray dhammaan wakiilladii ururrada siyaasadeed ee, sida uu sheegay, dhibaatooyinka kala kulmay goobaha codbixinta, isagoo ku baaqay in cid kasta oo ku lug yeelatay tacaddiyadaas lala xisaabtamo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Towfiiq ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Galmudug inay si hufan oo daahfuran u soo bandhigaan natiijooyinka rasmiga ah, iyada oo aan wax lagu darin ama laga dhimin, si loo ilaaliyo kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka doorashada.