Xirashada iyo Qaadashada Dharka Ciidamada oo Maamulka Waqooyi Bari Mamnuuceen.

0
7

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in shaqsiyaad aan ka tirsanayn ciidamadeeda amniga ay xirtaan dareyska ama astaamaha ciidamada.

Amar ka soo baxay wasaaradda Amniga ayaa lagu faray Taliska Booliska in uu si degdeg ah u hirgeliyo amarkan, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo lagu qabto iyadoo si sharci darro ah u xiran dareyska ciidamada.

Amarka ayaa lagu sheegay in mamnuucidda ay khusayso dhammaan noocyada dharka iyo calaamadaha ay adeegsadaan ciidamada amniga, iyadoo lagu adkeeyay in isticmaalka astaamahaas uu ku koobnaan doono xubnaha si rasmi ah uga tirsan ciidamada amniga ka shaqeeya.

Sidoo kale, wasaaradda amniga Waqooyi Bari waxay sheegtay in qof kasta oo jebiya amarkan laga qaadi doono tallaabo waafaqsan xeerarka amniga iyo shuruucda dalka.

Go’aankan ayaa imaanaya xili maamulka Waqoyi Bari uu ku howlan yahay wax ka qabashada colaad beeleedyo ka taagan gobolka Sool, taasoo sababtay in dad badan oo wata dareeska ciidanka ay ku soo badanayaan magaalada Laascaanood.