Dawladda Federalka oo Sheegtay in aanay U Baahneyn Damaanad Dibadeed ee Difaaca Midnimadeeda Dhuleed.

0
275

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa sheegay in Soomaaliya aysan cidna uga baahnayn dammaanad dibadeed si ay u difaacdo midnimadeeda iyo xuduudaheeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa hadalkaan sheegay, kaddib markii wax laga weydiiyay in dowladdu ay ku kalsoon tahay in dalal kale aysan aqoonsan doonin Somaliland kaddib talaabada ay qaadday Israaiil.

Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa sheegay in dunida maanta aanay jirin wax dammaanad ah oo la isku halayn karo, maaddaama xaaladda caalamku isbedbeddelayso, balse ay Soomaaliya ku kalsoon tahay mowqifkeeda sharci iyo dadaalka ay ku difaaceyso jiritaankeeda qaran.

Wuxuu xusay in dowladda ay mar walba diyaar u tahay inay beesha caalamka u sharaxdo taariikhda, xuduudaha iyo xaqiiqda Soomaaliya.

“Waxaan si buuxda uga hortagi doonnaa wax kasta oo aan u aragno aqoonsi sharci-darro ah oo ka dhan ah waqooyiga Soomaaliya. Cid aan ka sugayno dammaanad si aan u difaacno qarannimadeenna ma jirto,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaan siinayso in si nabad ah oo sharci ku dhisan dunida loogu bandhigo mowqifkeeda, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay dadkeeda, isla markaana iyada lafteedu difaaci doonto jiritaankeeda iyo midnimadeeda.