Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed MDD oo Cambaareeyey Hadalka ka Soo Yeeray Dawlada Israa’iil.

0
392

Cambaarayn – Ururka Dadka Soomaaliyeed

Ururka Dadka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaareynayaa hadalkii masuuliyiin ka tirsan dawladda Israa’iil ee ku saabsanaa in ay aqoonsanayaan qeyb kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay tahay “wadan madaxbannaan”. Hadalkaasi waa mid si cad uga soo horjeeda Qawaaniinta Caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo mabda’a ixtiraamka midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha dalalka caalamka.

Ururka Dadka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay dal midaysan, madax-bannaan, isla markaana leh dhul iyo xuduud lama taabtaan ah. Qeyb kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliya waa hanti qaran oo aan la kala goyn karin, mana jiri karto cid shisheeye ah oo go’aan ka gaari karta masiirka dhulka iyo midnimada dalka.

Ugu dambeyn, Ururka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana fogaadaan tallaabooyin iyo hadallo dhaawacaya xasilloonida, nabadda, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.