Yusuf Garaad iyo Masuuliyiin kale oo ku Baaqey in Talaabo laga Qaado Ninka Dadka Reer Bakool ku Tilmaamey Caruur Ethiopian.

0
252

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Yuusuf Garaad ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay tallaabo ka qaado agaasimaha  gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, oo Dhawaan saxaafadda kasii daayay hadal gef ku ah shacabka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Madaxda Qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ayaa Hadalkan ku tilmaamey Mid Gef ku ah Hooyooyinka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed oo Dhan,waana arrin Ugub ku ah Sooyaalka Dadka Soomaaliyeed.

Bashiir Macalin Cali ayaa shacabkii dhawaan mudaharaadka ka dhigay gobolka Bakool ee taageeray joogitaanka ciidamada Ethiopia shaki galiyay inay yihiin dad Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay carruurtii Ethiopian ku dhaleen xilligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Hadalka aan dhegeystay ee dad Soomaaliyeed ku tilmaamaaya in ay yihiin carruur Ethiopian dhalay, oo Soomaali iska dhigaya, waa gef ay tahay in aan laga aammusin. Waa gef kala geynaya Soomaalida, dhaawicina kara in dalka la wada daafaco marka loo baahdo,” ayuu yiri danjire Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad wuxuu sheegay inay waajib tahay in tallaabo laga qaado qofkii hadalkaas sheegay, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin.