7 Konteyner Bur Dhacey ah oo Hay’adda Tayo Dhawrka Soomaaliyeed Gacanta Ku Dhigtay.

0
177

Hay’adda tayodhowrka Soomaaliyeed ayaa maanta dekeda Muqdisho kusoo bandhigtay todobo konteenar oo bur ah oo dhacay, kaasoo la doonayay in la geeyo suuqyada si dadka looga iibiyo.

Hay’addu waxay sheegtay burkaan in ganacsato Soomaaliyeed ay kasoo iibsadeen dalka Turkiga, waxayna sheegtay in bishaan march ay ku xusan tahay waqtiga uu burkaan dhici lahaa.

Agaasimaha kormeerka badeecadaha ee hay’adda tayadhowrka, Maxamuud Cilmi Fiidshe ayaa sheegay in ay joojiyeen in burkaasi uu suuqyada galo, isagoo sheegay in ay ka gudan doonaan masuuliyaddooda.

Maxamuud Cilmi Fiidshe wuxuu uga digay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan inay badeecado dhacay dalka usoo iib geeyaan.

Wuxuu sheegay dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira oo uu Kansarka kamid yahay, inay ka dhasheen cuntooyinka, dawooyinka iyo alaabaha dhacay ee dad ganacsato ahi ay dalka soo galiyaan.

Wuxuu sheegay hay’addu inay ogsoon tahay in  daawooyinku dumarku isku qurxiyaan ee dalka lasoo galiyo in ay keeneen kansarka maqaarka ku dhaca.

Wuxuu sheegay dalalka deriska sida Kenya iyo Tanzania in laga mamnuucay daawooyinkaas oo idil.