Dagaal Qaraxyo iyo Xabaddo waaweyn ku Billawdey oo Ka Socda Degmada Kaxda ee G/banaadir.

0
642

Waxaa Laga Maqlayaa Rasaas iyo Qaraxyo waaweyn Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dawlada iyo Dagaalamayaal Al-shabaab ka Tirsan oo Weerar gaadmo ah kusoo Qaadey Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa Hugunka Rasaasta laga Maqlayaa Degmooyinka G/banaadir Waxaana goobjoogayaal aan La Xiriirney Noo Sheegeen in Argagixisada weerarka Soo Qaadey ay La kulmeen iska Caabin ay kala Hortageen Ciidamada Dawladda Federalka in kastoo aan waqtigan la Ogaan karin Khasaaraha Ka Dhashey.

Wixii warar Kusoo kordha iyo Xaaladda Degmada Kaxda dib ayaan idiin la wadaagi Doonaa insha allaah.