Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo saakay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Hadalka dowladda ayaa kusoo aaday, kadib markii saakay dagaal uu magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan mucaaradka doonaya inay talada kala wareegaan madaxweyne Lafta Gareen.
Siyaasiyiinta mucaarad Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Lafta Gareen inuu amray in la weeraro guryaha musharraxiinta ee Baydhabo kuyaalla, iyagoo sheegay in awal horena loo diiday inay tagaan Baydhabo.
Dhinaca kale, masuuliyiin u hadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka inay jidgooyo u dhigteen ciidamo waday Roondo, kaddibna uu dagaalku sidaas ku billowday.