Dowladda Federaalka Oo Ka Digtay Fatahaado Hor Leh Oo Dhaca

0
49
Dowladda Somaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan fatahaado hor leh oo ka dhaca Gobolada dalka Somaliya, xilli saameyntii ka dhalatay fatahaadii Wabiga Shabelle ee Magaalada Baledweyne wali ay taagan tahay.

Wasaarada Gargaarka Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa soo saartay digniintaan cusub oo ay kaga digeyso dadka inay ka fogaadaan Wabiga.

Saadaasha labada maalin ee socota ayaa la filayaa inay da,aan roobab xoog leh, taasi oo suuragal ka dhigi karta in Wabiyada ay fatahaan

Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Somaliya ayaa digniintaan u dirtay dadka ku nool Magaalada Baledweyne, Shabellaha dhexe & dadka ku nool Gobolka Gedo.