Al-shabaab Oo Baahiyay Muuqaalka Hogaamiyahooda, Iyo Dagaalyahanadii Weeraray Bali-doogle(Sawiro).

0
632

Al-shabaab ayaa baahiyay muuqaalka Hogaamiyahooda, iyo dagaalyahanadii weeraray saldhiga ciidamadda Mareykanka ee deegaanka Bali-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mu’asasada Alkataa’ib garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa soo saartay muuqaal la daawan karo in ka badan 50 daqiiqo kaas oo lagu faaqidayo weerarkii Al-shabaab xerada ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya dabayaaqadii bishii Sept ee la soo dhaafay.

Sidoo kale muqaalka ayaa lagu soo bandhigay tacadiyada uu Mareykanku ku hayo shacabka ku nool Soomaaliya waxaana ka soo muuqanaya dhibanayaal dhowr ah oo eheladooda ku waayay duqeymaha uu Mareykanku ku hayo dadka Soomaaliyeed.

Amiirka Al-shabaab ayaa fariin u direy shacabka Mareykanka wuxuuna sheegay in ay guran doonaan miraha wiilashooda ay u soo direen Soomaaliyeed.

Axmad Cumar Abuu Cubeyda, amiirka Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taageerada joogtada ah ee uu Mareykanku siiyo Dowladda uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona tilmaamay in canshuurta shacabka Mareykanka lagu taban taabiyo Dowladda Soomaaliya.

“ Al-shabaab waa kuwa dhidibada u taagay dowlad ku sheeg hamigeedu yahay raali-gelinta gaalada, fulinta qawaaniintooda kufriga iyo u hogaansanka shuruucdooda. Hogaanka dowlad ku sheega Federalka ayaa ku faana, fagaarahana la taagan inaysan marnaba shareecada Islaamka ku dhaqmin, dawarsiga shisheeyahana ka doorbidaan ku dhaqanka diinteena suuban”ayuu Yirri Hogaamiyahooda.

Qeybaha dambe ee filimka waxaa ka soo muuqanaya amiirka Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda oo kalimad dardaaran iyo sagootin ah u jeedinaya Raggii fuliyey weerarkii  lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya.