Home Wararka Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Ciidanka Awdheegle

Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Ciidanka Awdheegle

0
45

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay dagaal Ciidamada dowladda & Shabaab ku dhexmaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Shabaab weerar ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Degmada Awdheegle ay ku leeyihiin.

Wararka waxa ay sheegayaan dagaalka oo ahaay mid culus inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo ka mid ahaay dhinacyadii dagaalamay ayaa halkaasi ku dhintay, waxaa kale oo jiray dhaawacyo.

Saraakiisha Ciidamada dowladda waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Al shabaab.