Ciidamo Kasoo Goostay Jubbaland Oo Isku Dhiibay Militariga Somaliya.

0
394

Ku dhowaad 200 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Ciidankaan isu dhiibay Milateriga Soomaaliya ayaa ku sugnaa degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo waxayna toos uga amar qaadan jireen maamulka Amxed Madoobe.

Wararka gobalka Gedo ka imaanayo ayaa soo sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah ay wadahadal la galeen ciidamadaan lagana dalbaday in ay tagaan Luuq oo ay isu dhibaan ciidamada Qaranka.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ciidankaan ay hadda ku sugan yihiin xero ku taalo degmada luuq.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Somaliya ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan qorshaha Ciidamadan Jubbaland ka tirsan ay isugu soo dhiibeen Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya.

Dowladda Somaliya & Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf adag oo ka dhashay doorashadii Axmed Madoobe dib loogu doortay ee Kismaayo ka dhacday.