Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Ka Warbixiyay Qasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho.

0
593

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo 4 kamid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yaryar oo meesha ku yaallay waxayna intaas raacisay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax dhimasho ah.

Taliye Sakiya waxay ay sheegtay in qaraxu uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo noociisuahaa Primeo- Toyota ah, midabkiisu caddaan yahay uuna ku qarxay saacaddu markii ay ahayd 7:10 PM fiidnimo meel ay ku yaallaan goobo ganacsi oo u dhaxaysa Isbitaalka Yardimeli iyo Dugsiga Janaraal Kaahiye.

Janaraal Zakia ayaa dhammaan shacabka iyo bahda warbaahinta u sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan ilaa ay laamaha amniga ay ka xaqiijiyaan in meesha la tagi karo.

“Waxaad ogtihiin khatarta ka dhalan karta qaraxyada labaad ee lala beegsado dadka ku soo xooma goobta uu qaraxii hore ka dhacay. Waxaad marqaati ka tihiin in dad badan oo ay suxufiyiin ku jiraan ay inooga dhinteen weerarrada nuucaan ah ,sidaas darteed anagoo ku dadaaleena badbaadada shacabka, ciidamadu ma ogolaan doonaan in goobaha qaraxyadu ka dhacaan lagu soo yaaco ilaa laga hubiyo inuusan qarax kale oolin goobta.” ayay tiri Janaraal Zakia

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tiri “Annagoo ka jawaabeyna codsiyada ka yimid shacabka Gobolka Banaadir  waxaa Ciidanka Booliiska ay maanta hirgaliyeen khad telefoon oo ay si fudud shacabka noogala soo xiriir karaan, idinka oo si toos ah nooga soo wici kara 991 oo 24ka saac diyaar ah.

Ugu dambeyn Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kula talisay shacabweynaha in ay masuuliyad iska saaraan ilaalinta gawaaridooda iyo meelaha ay dhigayaan maadaama ay marar badan dhacday in qaraxyo loogu xiray.