Taliyaha Ciidamada Badda Midowga Yurub Ee Soomaaliya Oo Soo Gaaray Boosaaso

0
541

Taliyaha cusub ee  ciidamada Badda  Midowga Yurub ee howlgalka Soomaaliya Admiral  Ricardo Hernandez iyo  Saraakiil la socday ayaa garoonka diyaaradaha Bosaso maanta kulan kula yeeshay masuuliyiinta dowladda Puntland.

Kulankan oo albaabadu i xirnaayeen ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka dekedaha iyo la dagaalanka burcad BAdeeda Maxamed Cabdi cismaan Manjiino, Guddoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays, Agaasime ku-xigeenka ciidamada badda Puntland Axmed Qaloombi iyo Taliyaha ciidamada Ilaalada Dekeda Maxamed Cali Xaashi.

Wasiirka Dekedaha oo  kulanka ka dib shir jaraa’id qabtay waxaa uu sheegay in ujeedka socdaalka taliyaha uu la xiriiray isbarasho iyo xoojinta xiriirka ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Puntland.

“ waxaan na soo booqday Taliyaha cusub ee  ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya, shir baanu ku galnay Garoonka diyaaradaha Bosaso, Muhiimada shirku waxay ahayd isbarasho” Ayuu yiri wasiirka Dekedaha Puntland

Wuxuu sheegay in Ciidamada Badda ee EU  ay ka caawiyaan tabarada iyo la dagaalanka dambiyada ka dhaca badda.

Taliyaha Cusub  ee ciidamada Badda midowga Yurub ee EU NAVFOR  oo uu dhashay wadanka Spain ayaa  9 kiii bishan March la wareegay xilka  ayaa magaalada Bosaso ku yimid Diyaarada nooca qumaatiga u kaca ee Helicopoter, waxaa kaloo dusha ka ilaalinaysa diyaarada nooca wax basaasa ah. sidoo kale waxaa xeebta Bosaso ku soo dhawaaday saddex Markab oo nooca dagaalka ah.