Qaxooti Soomaaliyeed Oo U Badan Haween Iyo Caruur Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

0
562
Qaxooti Soomaaliyeed u badnaa caruur iyo haween oo iskood u go’aansaday in Dalkooda dib ugu soo laabtaan ayaa xalay laga soo sagootiyay magaalada Khartuum ee wadanka Suudaan.

Qaxootiga oo tiradooda lagu sheegay 78 qof ayaa muddo ku sugnaa xeryo qaxooti oo ku kala yaalay wadamada Eriteria iyo Suudaan ayaa dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Kusimaha Safiirka ayaa ku bogaadiyey go’aanka geesinimada ah ee ay qaateen muwaadiniintaas Soomaaliyeed, isagoona ku dhiirri geliyey rajada wanaagsan ee ay ku qabaan dadkooda iyo dalkoodda.

“Muddo 4 biloodd ah kaddib waxaa caawa inoo suurta gashay in ay mira dhal noqdaan dadaaladii ku qotomay in aad dib ugu noqotaan dalkeenna, iyadoo la idiin rumaynayo yadadiiladiina ay ku dheehantahay wadaniyaddu.”

Dhankooda, Muwaadiniintan go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka joogtada ah ee lagu bixiyey xal u helista dhibaatooyinka ku haystay xeryaha qaxootiga, iyagoona muujiyey farxaddooda ku aadan in dib loogu celiyo dalkooda.