Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Hotelka Shamow ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii labada nin ganacsatada oo watay Bistoolado ay murmeen, kadibna mid ka mid ah la dilay.
Labada nin ayaa la sheegay mid ka mid ah in lacag lagu lahaa, muranka dilka ahna uu sidaasi ku saabsanaa.
Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay gacan ku dhiiglihii dilka gaystay inuu ka baxsaday goobtaasi, Ciidamada ammaankana ay ku daba jiraan.
Laamaha ammaanka ayaa goobta ka qaaday maydka ganacsadaha la dilay, kaasi oo la geeyay Xarunta Dambi Baarista ee C.I.D si baaris loogu sameeyo.
Xamar ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo qaarkood sidaan oo kale ganacsatada isugu gaystaan.












