Sida ay sheegayaan goobjoogeyaal ka ag dhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa Sheegaya in Dhaliyaro Ku Hubeysan Bistoolado ay caawa fiidkii degmada boondheere ee magaalada muqdisho ku dileen mid ka mid ah gudoomiye laameed ka tirsan degmadaasi Taasi Oo Dumar Aheyd Iyagoona ay goobta ka baxsadeen kooxii dilka iyo dhaawaca geestay
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in uu dhaawac soo gaaray darawal bajaajle ah oo la socday gudoomiyaha dilka loo geestay
Ciidamada amaanka ee dowlada federaalka soomaaliya ayaa durbadiiba soo gaaray goobta uu falka dilka iyo dhaawaca ka dhacay iyagoona meedka gudoomiyaha u qaaday heyadda dambi baarista ee CID,da si baaritaan loogu sameeyo waxaana Goobta Uu Dilka ka dhacay baaritaano ka wada ciidamada dowlada kaasi oo ay ku baadi goobayaan kooxihii falkaasi geestay
Dilkaani loo geestay gudoomiye lameedkani ayaa imaanaya xili ay isa soo tarayaan amaan darida ka jirta magaalada muqdisho mana jirto wax talaabo ah oo ay ka qaadeen heyadaha amaanka kaasoo ay wax kaga qabanayaan amaan darida ka jirta caasimada soomaaliya










