Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowlada Oo Darawal Mooto Bajaaj Ku Toogtay Isgoyska Sanca Ee Muqdisho.

0
546
Waraka inaga soo gaaraya isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka Dowladda uu halkaasi ku dilay Wiil Mooto Bajaajle ahaa.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen kahor inta aanu falka dhicin inay wada murmeen askariga iyo marxuumka la toogtay, intaasi kadibna ay xigtay rasaas uu riday askariga.

Askariga dilka geystay oo ka tirsan ciidanka Canshuurta qaada ee Minishiibiyada ayaa la sheegay wiilka Dhalinyarada ah in uu ka toogtay madaxa, islamarkaana uu goobta ku ruq baxay.

Ciidamo Boolis ah oo ka akdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku baxay falkan, waxayna ku daba jiraan gacan ku dhiiglaha dilka geystay oo baxsad ah.

Dadweyne ka careysan dilkan oo u badan dhalinyarada Mooto Bajaajta kaxeysa ayaa dhigay Banaanbax ay uga soo horjeedaan falkan, waxayna dalbadeen in la soo qabto askariga.

Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan dilka ah ee askarigan uu kula kacay ruuxa watay Mooto Bajaajta oo aan waxba galabsan.

Dilalka loo geysanayo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ayaa maalmahan dambe kordhay, kadib markii Saddex maalmood kahor Muqdisho lagu dilay wiil ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj